WARARKA SOOMAALI

Faahin Faahin: Al-Shabaab oo Weerar dhabba-gal la beegsatay Ciidanka Kenya

Dagaalyahano hubeysan oo kamid ah Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay weerar dhabba-gal ah kula beegsadeen duleedka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya.

Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka Ijaara ee duleedka Gaarisa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Kenyaanka ah ee la weeraray iyo Shaababka, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dagaalkaasi dhacay uu socday dhowr daqiiqo oo xiriir ah.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo werinayaa inuu ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay intaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, isla markaana ay dishay askar kamid aheyd ciidamada.

Dhinaca kale Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari , ayna khasaare gaarsiiyeen.

Si kastaba, Shabaab ayaa marara badan sidaan oo kale waxa ay weeraro khasaarooyin badan dhaliyay ula beegsadeen ciidamada Kenya ee Booliska iyo kuwa Milateriga oo socdaalo ku marayay deegaano ka tirsan Gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Faahin Faahin: Al-Shabaab oo Weerar dhabba-gal la beegsatay Ciidanka Kenya
To Top