WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Wiil caan ah oo lagu dhaawacay Muqdisho & xaaladiisa oo…

Wiil dhallinyaro ah oo caan ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa habeenimadii xalay aheyd fal dhaawac ah loogu geystay Beerta Banaadir oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, xilli uu sugaa halkaasi.

Rasaas laga soo riday meel aan la garan ayaa wiilka dhallinyarada oo u ololeeya arrimaha qoyska iyo waxbarashada uga dhacday gacanta midig, isla markaana waxaa soo gaaray dhaawac fudud, isagoo durbadii loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada.

Axmed Abshir Geedi oo ah wiilka dhaawacmay oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xalay fiidkii aniga oo joogo Beerta Banaadir uu la kulmay dhacdadaan, uuna ka warhelay mar qura rasaas uga dhacday gacantiisa, uuna arkay dhiig ka baxaayo.

Sidoo kale Axmed Abshir Geedi ayaa waxa uu tilmaamay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu dabiibayo isbitaalka,

Si kastaba, Axmed Abshir Geedi ayaa si wayn looga yaqaanaa baraha bulshada, wuxuuna ku caan baxay arrimo qoyska, waana mid kamid ah aas aasayaasha xarunta qoyska ee lagu magacaabo Guryosamo.

Faah faahin: Wiil caan ah oo lagu dhaawacay Muqdisho & xaaladiisa oo…
To Top