WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhexe ee lagu garaacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay madaafiicda oo ku dhacday xaafaddo ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo degan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxaana jugta hoobiyeyaasha ay hurdada ka toosiyeen dadka.

Madaafiicda oo gaarayey illaa todobo ayaa waxaa uu mid kamid ah ku dhacay guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ahaa, isla markaana waxaa ku dhaawacmay  ruux, halka qof kalena uu ku dhintay, dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaal, si loo daaweeyo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan madaafiicda khasaaraha geysatay ee ku dhacday qeybo kamid ah Muqdisho, sidoo kalena lama oga halka laga soo tuuray hoobiyeyaashaasi.

Weerarka madaafiicda ayaa waxaa uu kusoo beegsaday, iyada Muqdisho uu saaran yahay bandow, sababo la xiriira Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, isla markaana aad loo adkeeyay amniga Caasimadda dalka.

Faah faahin: Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay
To Top