WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Somaliland

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay wadada u dhaxaysa Shiikh iyo magaalada Berbera oo kamid ah degaannada Maamulka Somaliland, kadib markii uu rogmaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Gaariga rogmaday uu ku socday xawaare sare, isla markaana uu mar qura wadada ka baxay. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka labada qof kalena ay dhaawacantay shilka.

Dhaawacyada ayaa waxaa durbadii loola cararay Isbitaalka Magaalada Berbera, waxaana markii dambe goobta gaaray Ciidamada ilaalada & Nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland oo baaritaan ku sameeyay sababaha keenay Shilka.

Bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay waxaa ku batay shilalka Gaari, iyada oo Somaliland ay sheegtay in sababaha shilalka badiyay ay tahay darawada oo inta badan si xowli ah ku wada Gawaarida.

Faah faahin: Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Somaliland
To Top