WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo Qarax lagu dilay

Qarax sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana qaraxa oo ahaa mid xooggan kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida dowladda ee ka howlgala magaalada Marka, isla markaana waxaa gaariga xilligii uu qarxayay saarnaa sarkaalka iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday sarkaalka ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Marka oo lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Bitooni, waxaana sidoo kale dhaawacyo soo gaareen Askar la socotay sarkaalka oo ilaalo u aheyd.

Dad ayaa waxa ay kusoo warrameen in qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay gaariga ay waateen sarkaalka la bartilmaameedsaday, qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo oo qaaday Meydka iyo dhaawacyada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlgalo ay xalay magaalada Marka ka sameeyeen ciidanka Nabadsugida ay kusoo qabteen dhowr qof, kuwaasi oo la sheegay in loo qabtay arrin la xariitra qaraxa lagu dilay sarkaallaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa.

Faah faahin: Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo Qarax lagu dilay
To Top