WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Rasaas ka dhex socota Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa xilligan ka socoto rasaaas u dhaxeysa maxaabiis qoryo qaadatay iyo ciidamada ilaalada xabsiga.

Maxaabiista ku xirnaa xabsiga ayaa hub ka qaatay askar katirsan ciidamada Asluubta kuwaa oo weerar ku qaaday Ciidamada Asluubta ee ilaalada hayay xabsiga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ka dhaceysa gudaha xabsiga Magaalada Hargeysa , waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo isugu jira Milateri iyo Boolis.

 

Faah faahin: Rasaas ka dhex socota Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa
To Top