WARARKA SOOMAALI

Faah Faahin: Qaraxyo lagu dilay Askar badan oo ka dhacay Hiiraan

Qaraxyo xooggan ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa nooc miinada ee dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka galaya magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dadka deegaanka.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa loo dhigay ciidamo gurmad ah oo u socday bartilmaameedka koowaad, waxaana la kacday miino kale, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ka dambeeyay weeraradaasi. Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.

Faah Faahin: Qaraxyo lagu dilay Askar badan oo ka dhacay Hiiraan
To Top