Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxa Khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacy degaan lagu magacaabo Milxo oo hoos yimaado degmada Laasqoray ee Gbolka Sanaag, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.
Wararku waxaa ay sheegayaan in xalay la qarxiyay Maqaayad ku taalla Degaankaasi, taasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxu uu ahaa mid Is-miidaamin.
Qofka fuliyay Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Oromo, waxaana ku dhintay hal qof sida wararku tilmaamayaan, iyadoo ay jiraan dhawacyo soo gaaray dadkii ku sugnaa Maqaayadda Qaraxu ka dhacay.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraaxai Is-miidaaminta ah ayaa dhaawacyadooda waxaa la gaarsiiyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaaa sidoo kale dhaawacyo kale la gaarsiiyay Degmada Badhan ee isla Gobolkaasi.
Wali Maamulka iyo hay’adaha ammaanku wax war ah kama soo saarin Qaraxaasi, sidoo kale ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.