Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog fog ayaa xalay lagu xiray guri uu degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ka degan yahay Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaasi.
Dadka deegaanka xaafada uu qaraxu ka dhacay ayaa kusoo warramay in Guddoomiye waaxeedka qaraxa loogu xiray gurigiisa uu ka badbaaday isaga iyo dadkii kale ee la joogay, kuwaasi oo xilligii uu qaraxaasi dhacaayay ku sugnaa hoyga.
Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegay oo kaliya in qaraxa oo ahaa mid xooggan uu burbur gaarsiiyay guriga masuulka , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Deyniile.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca qaraxyo isugu jira miinooyin iyo kuwo loo adeegsado gaadiid laga soo buuxiyo walxo qarxa, waxaana falalkaasi ka dhaca khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.