WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Puntland

Inta la xaqiijiyay hal  Ruux ayaa geeriyooday tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii shil gaari uu Maanta ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Propox ah iyo gaari verossa sida ay muujinayaan Sawiro laga soo aaday goobta uu ka dhacay Shilka gaari, iyada oo sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray labada Gaari.

Dadka ku dhaawacmay Shilka gaari ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo kadib markii ay gurmad u sameeyeen Ciidamada ilaalada waddooyinka taraafikada iyo dadweyne goobta shilka ka dhacay ku sugnaa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa shil gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhacay nawaaxiga kantarool Waqooyi ee Caasimadda Garoowe, waxaana shilalka digniin kasoo saaray Taliska Booliska Gobolka Nugaal.

Faah faahin kasoo baxeysa Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Puntland
To Top