WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka ATMIS oo ku burburtay Sh/Dhexe

Diyaarad nooca helicopter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku burburtay deegaanka Biya-cadde ee hoostega degmada  Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Diyaaradda oo sahay u sidday Ciidanka Burundi ee Saldhiga ku leh deegaanka Biya-cadde ayaa ku dul-dhacday Bakhaar uu shidaal ugu keydsanayaa Ciidamada halkaas ku sugan, waxaana gebi ahaan burburtay diyaaradda, sida ay ku warrameen dad.

Qaar kamid ah dad beeraley ah oo sheedda kore ka arkaayay Qaac iyo uura-madow oo Cirka isku shareertay ayaa waxaa ay sheegeen in diyaaradda oo aheyd helicopter ay dhowr jeer dhul-heehaabeysay Saldhiga dushiisa, kadibna ay dhacday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shilka diyaaradeed uu ka dhashay khasaaro dhimasho ah, waxaana la xaqiijiyey in ugu yaraan 5 Askari oo kamid ah Ciidanka Burundi ay ku dhinteen goobta, sidoo kalena uu qeyb kamid ah Saldhiga burburay.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka gaar ahaan kuwa Burundi ayaan weli ka hadlin diyaaraddaan Ciidankooda sahayda u wadday ee ku burburtay deegaanka Biya-cadde ee hoostega degmada  Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Faah faahin: Diyaarad ay leeyihiin Ciidanka ATMIS oo ku burburtay Sh/Dhexe
To Top