WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Xoogagga xaq u dirirka SSC oo Hub iyo Dagaal ka qabsaday Somaliland

Dagaal u dhexeeyay xoogagga xaq u dirirka SSC iyo Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool gaar ahaan dhanka bari ee magaalada.

Ciidankii Somaliland ee laga saaray Laascaanood ayaa weerar kusoo qaaday magaalada, waxaana iska caabin xoog leh ay kala kulmeen ciidanka kacdoonka shacabka SSC, kuwaasi oo mar kale dagaal ku jebiyey ciidankii Somaliland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada kacdoonka shacabka ay gaadiid dagaal iyo hub ku qabsadeen dagaalkii saaka dhacay, isla markaana haatan gacan ku heynta Laascaanood ay jirto gacantood, ayna xaaladda ay tahay mid.

Illaa haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhaxay, dad la hadlay warbaahinta Horufadhi Media ayaa u sheegay in la maqlay rasaas xooggan oo isku adeegsaday dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa uu ku soo beegmaya iyadoo maanta la filayo inay soo baxaan go’aammada shirka odoyaasha dhaqanka ee deegaankaas, shirka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

DEG DEG: Xoogagga xaq u dirirka SSC oo Hub iyo Dagaal ka qabsaday Somaliland
To Top