Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ka fuliyay deegaan hoos taga magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa ayna weerarkaasi ku dileen masuul ka tirsan deegaan hoostaga magaaladaasi.
Weerarkan ka dhacay duleedka Mandheera ayaa lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii tuulada Cumar Jilacow ee bariga ismaamulka Mandheera ee dalka Kenya Maxamad Cabdi Axmad (Jaak).
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabley hubeesan weerar gaadmo ah ku dileen Guddoomiye kuxigeenka xilli uu ku sugnaa duleedka deegaanka Cumar Jilacow, waxaan agoobta ka baxsaday kooxdoo dilka u geesatay.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay Guddoomiye ku xigeenkii tuulada Cumar Jilacow , waxa ayna Al Shabaab cadeeyeen in ay beegsanayaan cid kasto oo katirsan maamulka Kenya.