WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay degaan ka tirsan Mudug

Dagaalkaan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga degaanka Dhagtuur oo 120km 120 KM dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo kufsi loo geystay Gabar yar kadib markii xalay lagala baxay Gurigeeda, sida ay sheegeen dadka degaanka oo u warramay warbaahinta gudaha.

Inta la xaqiijiyay dagaalka dhacay ayaa waxaa ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xiisadda ka dhalatay Gabadha la kufsaday iyo dagaalka dhacay ay Maanta ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay ee Miyiga degaanka Dhagtuur ee Gobolka Mudug.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa kusoo batay sanadihii la soo dhaafay colaad beeleedyada, waxaana Maamulka Galmudug uu ku guuldareystay waxka qabashada dagaal beeleedyadaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay degaan ka tirsan Mudug
To Top