WARARKA SOOMAALI

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is Casilaya

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar ka hor ku dhawaaqday Satterfield iyo Knopf lagu wado in ay tagan Itoobiya si ay kulamo ula qataan sarakiisha dowlada Itoobiya, wakiilada Ururada Samafalka& saxiibada diblomaasiyadeed.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is Casilaya
To Top