WARARKA SOOMAALI

Ergeyga cusub ee QM oo Maanta kulan la qaadatay Deni iyo ku-xigeenkiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

Ergeyga cusub ee QM oo Maanta kulan la qaadatay Deni iyo ku-xigeenkiisa
To Top