Danjiraha JFS u jooga dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar ayaa waxa uu Xarunta Safaaradda ee Qaahira kula kulmay Maxamed Rida Alsayid oo ah Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha Masar, C/Fataax El-sisi
Ergayga ayaa waxa uu Danjiraha ugu hambalyeeyey Munaasabadda Asaaska Jamhuuriyada Somalia oo loo Dabaaldegayo sanad kasta maanta oo kale oo ku beegan Kowda Luulyo.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo ka hadlay Qaabilaadaasi, ayaa waxa uu Mahadcelin qadarin leh u diray Madaxweynaha Masar iyo Xukuumadiisa Taageerada Joogtada ee ay DFS ka siiyaan Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga iyo Bulshadda.
Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar ayaa waxa uu rajo ka bixiyey in Marxallada soo socota la arki doono inuu sii kordho Xiriirka iyo Iskaashiga ee Somalia iyo Masar, si loo xaqiijiyo Danaha Shacuubta labada Waddan ee Walaalaha ah.