WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lala beegsaday goob shir uga socday xubno ka tirsan Al-Shabaab

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa xalay waxa ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen deegaanka 14 Kiilomitir u jira degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay inay sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday goob ay joogeen dagaalyahano ka tirsan Shabaabka, waa sida lagu sheegay War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xigatay saraakiil ciidan.

Dowladda Federaalka ayaa xustay in duqeynta ka dhacay deegaanka hoostaga magaalada Jamaame ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka, isla markaana duqeynta ay geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Duqeyntan ayaan illaa iyo hadda aysan ka hadlin ciidamada Maraykanka, balse waxa ay ku soo beegantay laba maalin kadib markii uu magaalada Kismaayo uu booqday Sarkaalka ugu sareeya Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika Gen. Michael Langley.

Si kastaba, diyaaradaha Mareykanka ee AFRICOM ayaa mararka qaarkood duqeymo diyaaradeed ka geysta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana duqeymaha ka dhasha khasaaro, sida ay sheegaan Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Duqeyn lala beegsaday goob shir uga socday xubno ka tirsan Al-Shabaab
To Top