WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lagu laayay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka la fuliyey

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgalka oo dhacay waaberigii hore ee saakay oo Axad ah ayaa la sheegay inuu isugu jiray duqeyn xaga cirka ah iyo mid dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamo sida gaarka ah u tababaran ee kummaandooska DANAB ee xoogga dalka.

War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ee dhacday lagu bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, waxaana howlgalka ka dhashay khasaaro, sida la tilmaamay.

Wakaaladda SONNA oo soo xigatay saraakiil ciidan ayaa sheegtay in ku dhowaad 40  dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalkii ka dhacay deegaanka Welmarow oo 40KM u jirta Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale howlgalka ayaa la tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku jireen saraakiil, isla markaana la burburiyey hub iyo gaadiid dagaal oo goobta yaallay. Ma jiro wax faah faahin intaas ka badan oo dowladda Federaalka ka bixisay howlgalka.

Duqeyn lagu laayay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka la fuliyey
To Top