WARARKA SOOMAALI

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Galmudug

Diyaaradaha aan duulaha laheyn ee Mareykanka ayaa waxaa ay duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen Saldhig xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen degaan katirsan Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamka ay ku guuleeysteen inay duqeeyn dhinaca cirka ku burburiyaan Saldhigii Al-Shabaab ay ku lahayeen Tuulada Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud.

Sidoo kale dowladda oo faah faahineysay duqeyntaas ayaa sheegtay in lagu dilay in ka badan 200 oo xubnood iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, wallow aysan jirin Warar madax banaan oo xaqiijinaya Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Duqeyntaan uu Mareykanka la beegsaday Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa kusoo beegmeysa xilli maalmo ka hor Saraakiil katirsan Sirdoonka Mareykanka ay ka codsadeen Madaxweynaha Mareykanka in dib loo bilaabo duqeymaha lala beegsado Al-Shabaab.

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Galmudug
To Top