WARARKA SOOMAALI

Duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan Daacish oo Maanta ka dhacay Puntland

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka oo ay leeyihiin Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xalay illaa saaka waxaa ay duqeymo diyaaradeed ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Duqeymaha diyaaradeed ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo iyo xarumo ay Daacish ku leedahay dhulka buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, isla markaana waxaa duqeynta ka dhashay khasaaro kala duwan, in kastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeymaha lagu burburiyey saldhigyo iyo xarumo kale oo xubno ka tirsan Daacish ku sugnaayeen, iyagoona la sheegay in la duqeeyay xilli ay isku diyaarinayeen weeraro ay ku qaadan ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahan lagu dilay saddex sarkaal oo Daacish ah, kuwaasoo aan wali la soo bandhigin xogtooda, sidoo kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada AFRICOM.

Duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan Daacish oo Maanta ka dhacay Puntland
To Top