WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo War kulul kasoo saartay Qarax ka dhacay Abu Dhabi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka.

Wasiirka arrimaha Dibedda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u  cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi, waxaana uu sheegay in dowladda ay ka xun tahay falkaas argagaxiso..

Sidoo kale Wasiir Cabdisaciid Muuse oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi ugu diray dhibanayaasha iyo qoysaskooda, isla markaana sheegay in falalka argagixisanimada ay khatar weyn ku yihiin Gobolka

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri Wasiir Cabdisiciid Muuse.

Dowladda Soomaaliya oo War kulul kasoo saartay Qarax ka dhacay Abu Dhabi
To Top