WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xariga loo geystay Cabdalla Muumin

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa caddeyney inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xoriyadda hadalka iyo madaxbanaanida saxaafadda, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda FS.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa tilmaamtay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda suxifiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war heshay xarigga Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala, kaasi oo maalmo kahor lagu xiray Muqdisho.

“Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiri Hay’adda denbi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in hadii mowaadinkaas loo haysto falal ka baxsan xirfadadii si degdeg cadaaladda loo horkeeno, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xariga loo geystay Cabdalla Muumin
To Top