WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Sare u kaca qiimaha la iibiyo Shidaalka

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay sicir barar xoogan laga dareemayay qiimaha la iibiyo Shidaalka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa war kasoo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaraadda Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan qiimo kororka ku yimid shidaalka Caalamka, isla markaana la dadaal ku bixinayaan la

Xukuumadda Federaalka ayaa fartay in Dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxaris leh oo ay ku jirto ay ula macaamilaan.

Sare u kac  xoogan ayaa laga dareemayaa qiimaha Shidaalka la iibiyo Magaalada Muqdisho, waxaana goobaha lagu iibiyo Shidaalka ay gaadiidka ugu jiraan safaf –dhaadheer.

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Sare u kaca qiimaha la iibiyo Shidaalka
To Top