Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay heshiiskii dalka Koonfur Afrika ku gaareen dowladda Federaalka Itoobiya iyo jabhada hubeysan ee TPLF oo dagaalo culus ku dhexmareen waqooyiga dalkaas Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa waxaa ay kusoo dhaweysay heshiiska hordhaca ah ee Itoobiya iyo TPLF ka gaareen Colaadii khasaaraha badan dhalisay ee labada dhinc u dhexeeysay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hsehsiiska labada dhinac laga rajeynayo inuu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa Colaadda, isla markaana walbana kor u qaadi doono barwaaqo iyo kobac dhaqaale.
”Dawladda Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Xalka Afrika ee mushkiladda Afrika” uu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa colaadda, colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqo, kobac dhaqaale gobolka iyo meelo kale. Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.” ayaa lagu yiri qoraalka DF kasoo baxay.
Midowga Afrika ayaa wadahadalo garwadeyn ka yahay isugu keenay wakiillo kala matalayay dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF, waxa ayna labada dhinac gaareen heshiis xal loogu raadinayo colaada dalkaasi ka aloosan.