WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo shaqaalaheeda u fasaxday maalmaha Ciiddul Adxaa

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo shaqaalaha hay’addaha gaar ah la fasaxay muddo saddex maalmood ah.

Qoraalka uu soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Xukuumadda Maxamed Cismaan Xasan ayaa waxaa dhammaan shaqaalaha loogu fasaxay munaasabadda Ciidul Adxaa ee cidda Carafa oo maalmo kooban naga xigaan .

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda ayaa shaqaalaha ku wargelisay inay fasax yihiin muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta sabtida oo ay taariikhdu tahay 09/07/2022, kuna eg maalinta Isniinta 11/07/2022.

Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaqaalada dowladda iyo kuwa hay’addaha gaar ah u rajeesay inay ku ciidaan farxad iyo nabad.

Dowladda Soomaaliya oo shaqaalaheeda u fasaxday maalmaha Ciiddul Adxaa
To Top