Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee,
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida.
Waxaa kaloo inta uu socday kulanka looga arrinsaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha iyo xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.