WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo Dhambaal u dirtay Boqortooyada Marooko, xili ay u…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Boqortooyada Morooko oo ku saabsan 66 guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonnimada Dalkaas..

“Waxa aan hambalyo diirran u diraynaa Boqorka, Dowladda iyo Dadka Boqortooyada Marooko, munaasabadda 66 guurada ka soo wareegatay Maalinta Gobonnimada dalkaasi oo ku beegan maanta oo ah 18 November” ayuu Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya “waxa aan u rajaynaynaa nabadgelyo iyo xasilooni waarta, horukac, xowli u socoshada dib-u-curashada iyo horumar ballaaran, xiriirka labo geesoodka ee labadeena dal ee walaalaha ah u dhexeeyana uu horseedo horumar iyo barwaaqo”.

Soomaaliya ayaa waxa ay xiriir dhow la leedahay Marooko, waxa ayna si rasmi ah u furanaysaa safaaraddeeda si loo xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga, lana ballaariyo iskaashiga laba geesoodka oo la gaarsiiyo dhinacyo badan.

Dowladda Soomaaliya oo Dhambaal u dirtay Boqortooyada Marooko, xili ay u…
To Top