WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Venezuela oo wada-hadal ka yeeshay xiriirka labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Felix Plasencia, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay Qoraal lagu daabacay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Felix Plasencia la wadaagay sida ay uga go’an in ay labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

Dowladda Soomaaliya iyo Venezuela oo wada-hadal ka yeeshay xiriirka labada Dal
To Top