WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray xoojinta Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulan magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda kula qaatay Wasiirka Gaashaandiga dalka Uganda Vincent Bamulangaki Ssempijja.

Kulan oo goobjoog uu ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa waxa labada wasiir ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada wasaaradood, ugu dambeyntiina qalinka ku duugay qodobadii (Minutes) laga wada hadlay.

Sidoo kale wafdiga oo wasiirka Gaashaan dhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa kulan la qaateen Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Uganda.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga military ee ka dhaxeeya labada dowladood, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wafdigan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah dalka Uganda ayaa la filayaa in heshiisyo is afgarad ah dhawaan ku kala saxiixdaan dalka Uganda.

Dowladda Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray xoojinta Iskaashiga labada Dal
To Top