WARARKA SOOMAALI

DAAW:-Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo ka wada hadlay Doorashooyinka dhacaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho la qaatay Siihayaha Safaaradda Mareykanka Soomaaliya Marwo. Colleen Crenwelge.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa la iskula eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo Gobolka, sidoo kale arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda ayaa Siihayaha Safaaradda Mareykanka Warbixin guud kasiiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAW:-Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo ka wada hadlay Doorashooyinka dhacaya
To Top