WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Shiinaha oo iska kaashanaya Arrimo dhow ah oo laga shiray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, FEI Shengchao.

Kulanka dhexmaray Wasiirka ioyo Safiirka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee Labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dowrka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Somalia iyo Shiinaha oo iska kaashanaya Arrimo dhow ah oo laga shiray
To Top