WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay xal u helida Arrin weyn oo u…

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan Qaxootiga Aduunka ee  UNHCR.

Wafdiga UNHCR waxaa hogaaminayay Ergeyga gaarka  ah ee Bariga iyo Geeska Afrika ee UNHCR, Danjire Maxamed Cabdi Affey, Waxaa sidoo kale xubnaha wafdiga ka mid ahaa Wakiilka UNHCR Soomaaliya, Mudane Magatte Guisse iyo Madaxa Ilaalinta Bulshada ee Xafiiska Gobolka Bariga iyo Geeska Afrika  Charles Mballa.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii xal-waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah  ee ku nool gudaha dalka iyo sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee  kasoo laabanaya xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya  loogu abuuri lahaa jawi wanaagsan  oo ay ku heli karaan waxyaabaha noloshooda aasaaska u ah.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ka wada hadleen arimo dhowr ah oo la xariira hirgelinta Istraatijiyada Qaran ee Xalka-Waara ee ay soo diyaarisay Xafiiska Xalka-Waara ee Wasaraada Qorshaynta Soomaaliya.

Dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay xal u helida Arrin weyn oo u…
To Top