WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo ka shiray Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa ay labada mas’uul isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Shabaabka iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Dowladda Somalia iyo Mareykanka oo ka shiray Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab
To Top