WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Badqabka amniga iyo Diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa Maanta shir gudoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen  Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood.

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoona lagu balamay in la yeesho Shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee XFS Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa shirkaan gogol xaar yahay.

Dowladda Somalia iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Badqabka amniga iyo Diyaaradaha
To Top