WARARKA SOOMAALI

Dowladda Qatar oo War kasoo saartay Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Liido

Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii Al-Shabaab ay ku qaadeen Maqaayad dhanka badda ah oo ku taal xeebta liido magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan lix qof ayna ku dhaawacmeen 7 kale.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayay ku sheegtay inay diidaweerarkaas uu yahay mid argagixisanimo, iyadoo aan loo eegin ujeeddada iyo sababta.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee maqaayada Pescatore Sea Food  , halkaasi oo ay isugu soo ku sugnaayeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka., iyaga oo sheegay in ay bartilmaameedsanayeen saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin shir ku lahaa Maqaayada ku taal degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Qatar oo War kasoo saartay Qaraxii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Liido
To Top