WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo War kasoo saartay Khasaaraha Dagaalkii ka dhacay Ceeldheer

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaaday magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay xog haayeen Weerarka Shabaab, isla markaana uu dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in Shabaab dagaalkii ugu horreeyay looga dilay ilaa 9 xubnood, kadibna dagaalka oo maleeshiyaadka iyo ciidamada xoogga ku dhexmaray  tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada lagu dilay 18 kale oo ahaa xubnihii soo baxday.

“Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal” ayaa lagu yiri Warka.

Waxaa kaloo dowladda tilmaamtay in dagaalada dhacay ay barbar socotay duqeyn diyaaradaha Mareykanka la beegsaday dagaalamayaashii Weerarka saaka kusoo qaaday degmada Ceeldheer, isla markaana khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay.

Dowladda oo War kasoo saartay Khasaaraha Dagaalkii ka dhacay Ceeldheer
To Top