WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo War kasoo saartay Diyaaradii Maanta ku burburtay Garoonka

Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Civil Aviation ayaa war saxaafadeed ka soo saartay shilkii diyaaradeed ee duhurnimadii Maanta ka dhacay  Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in diyaaradaasi burburtay oo nooceedu ahaa E120 ay u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines, islamarkaana ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa tilmaamtay in diyaaradda ay siday 34 Ruux oo Shacab ah, isla markaana ay baaris ku hayaan waxa sababay Shilka ay gashay.

“Diyaaradda waxaa saarna 34 ruux oo isugu jira Crew & Passengers mana jirto cid wax ku noqotay inta aan ka aheen dhaawac 6ar. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaanka ku saabsan shilkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya oo ka soo ambabaxay Garowe, iyagoo ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Dowladda oo War kasoo saartay Diyaaradii Maanta ku burburtay Garoonka
To Top