WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo ka Warbixisay Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee geeriyootay

Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Faah faahin ka bixisay tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee geeriyootay inta lagu guda jiray Gudashada Waajibaadka xajka.

Xafiiska Arrimaha Xajka Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Lix Xaaji ay ku geeriyootay intii lagu guda jiray gudashada Waajibaadka Xajka. Madaxa Xafiiska Dr Khadar Daahir ayaa sheegay in saddex rag ah iyo saddex dumar ah ay dhinteen.

Dhinaca kale kulan looga hadlayey dib u celinta Xujeyda Soomaaliyeed ee dhammeysatay gudashada Waajibaadka Xajka ayaa lagu qabtay Magaalada Makkah ee boqortooyada Sacuudiga kulankaas oo ay yeesheen Wasaaradda Awqaafta iyo shirkadaha Adeegga xajka.

Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Daahir Suleymaan ayaa u sheegay Shirkadaha in laga doonayo in sida ugu dhaqsaha badan uguna nidaamsan loo daabulo Xujeyda.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka jiray kuleylkii ugu darnaa, waxaana inta lagu guda jiray Gudashada Waajibaadka xajka dalkaasi ku geeriyootay dad ku dhow 1000 qof, iyadoo la soo weriyay in dadkaas oo u badan Masaari ay ku saamoobeen kuleydka Qoraxda heerkulku uu gaaray 51.8 darajo Celsius (125 Fahrenheit) magaalada Maka maalintii Isniinta oo ahayd maalintii labaad ee Ciidul-Adxaa.

Dowladda oo ka Warbixisay Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee geeriyootay
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top