WARARKA SOOMAALI

Dowladda Kenya oo raalli-gelin ka bixisay tallaabo uu ka Carooday Safiirka Somalia

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shalay isaga baxay shir uu diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi isugu yeeray Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa ka cudur-daaratay Shirkaasi uu ka baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya kaddib markii Wakiil ka socday Somaliland uu qeyb ka noqday Shirka

Kenya ayaa waxay sheegtay inay qaddarin u hayso madax bannaanida Soomaaliya waxayn ka cudur-daaratay joogitaanka Wakiilka Somaliland, iyadoo sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Cudur-daarka Kenya ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ka bixitaankii safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya uu ka baxay kulan ay qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya.

Arrrinta ayuu qoraalkaas ku sheegay in loola dan lahaa in xurmad isku mid ah la siiyo danjiraha Soomaaliya iyo qofka la casuumay taasoo keentay in Danjire Maxamed Nuur Tarzan uu shirka ka baxo.

 

Dowladda Kenya oo raalli-gelin ka bixisay tallaabo uu ka Carooday Safiirka Somalia
To Top