WARARKA SOOMAALI

Dowladda iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha ay Ciidanka Somalia kula wareegayan…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaluya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran.

Qorshaha kala-guurka ayaa noqonaya mid lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

Dowladda iyo AMISOM oo ka wada hadlay qorshaha ay Ciidanka Somalia kula wareegayan…
To Top