WARARKA SOOMAALI

Dowladda Itoobiya oo Xaalad Deg-deg ah uga dhawaaqday Dalkeeda, xili uu xoogeystay…

Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah lagu soo rogay dalka oo dhan, taasi oo isla hadda dhaqan galeysa.

Warbaahinta dowladda ee FANA ayaa sheegtay in xaaladda deg degga ah looga gol leeyahay in shacabka looga badbaadiyo “xasuuqa ay gaysanayaan” kooxda TPLF.

Arrintan ayaa imanaysa xilli uu isbahaysiga fallaagada sheegay inuu ka baaraan degayo inuu u ruqaansado dhankaas iyo caasimadda Itoobiya.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa.

Afhayeen u hadlay TPLF ayaa BBCda u sheegay in isbahaysigu uu isugu tagay waqooyiga caasimadda.

Dowladda Itoobiya oo Xaalad Deg-deg ah uga dhawaaqday Dalkeeda, xili uu xoogeystay…
To Top