WARARKA SOOMAALI

Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub u magacaawday Somalia & xogtiisa

Dowladda Ingiriiska ayaa safiir cusub u magacaawday arrimaha Soomaaliya, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkeedii haweeneyda lagu magacaabo Ms Kate Foster oo xilkaan heysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021.

Safiirka cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Michael Nithavrianakis, kaas oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada caasimadda ah Muqdisho, sida uu qorshahu yahay Danjiraha cusub ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doono inta lagu jiro bisha May.

Markii uu yimaado Muqdisho, Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacaawday Soomaaliya ayaa waxaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbin doonaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si uu uga guddoomo warqadihiisa aqoonsiga.

Michael Nithavrianakis waa diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda, oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, 2022 illaa 2023.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana.

Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub u magacaawday Somalia & xogtiisa
To Top