WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka oo wafdi xal raadin ah u dirtay Dagaalkii Baraawe

Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamada Maxkamada Ciidamada Darajada 1aad Col Xasan Cali Nuur Shute.

Wafdiga tagay Baraawe oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow, Wasiirka Gashandhiga Cabduqaadir Jaamac,  Wasiirka Cadaalada KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose.

Ujeedka Mas’uuliyiintan ayaa ah dhameystirka xalka rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Baraawe ee u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Federaalka Soomaaliya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in wafdiga ay dirtay dowladda Federaalka ay durbo Baraawe ka bilaabeen kulamo xal raadin ah, isla markaana Maanta ay la kulmeen saraakiisha ciidanka dowladda ee halkaas jooga iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Si kastaba, In ka badan 20-qof ayaa la xaqiijiyay in dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe in ay ku dhinteen ,halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, dadka dagaalka ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Dowladda Federaalka oo wafdi xal raadin ah u dirtay Dagaalkii Baraawe
To Top