WARARKA SOOMAALI

Dowladda Federaalka oo Digniin kama dambeys ah u dirtay Dad degan dhul ku yaalla…

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa digiin kama dambeys ah u dirtay dadka deggan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Qoraak kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Madaxwayne ku taariikhaysan 27 October waxay wargalinayso dadka daggan dhulkaasi in ay banneeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidoo kale Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska Gobalka Banaadir ayaa qoraalka lagu faray in ay guda galaan shaqadaasi laga bilaabo 15 ka Bisha November.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay digniintii ugu dambaysa siinaysaa Dadka sida Sharci Daradda ah ku dagan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile. Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Madaxwayne ku taariikhaysan 27 October waxay wargalinaysaa Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska Gobalka Banaadir inay guda galaan laga bilaabo 15 ka Bisha November banaynta Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile”.

Dowladda Federaalka oo Digniin kama dambeys ah u dirtay Dad degan dhul ku yaalla…
To Top