WARARKA SOOMAALI

Doorashada saddex kursi oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah ay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta bilaabaya gelinka hore ee Maanta, iyadoona doorashada saddexda kursi ee Golaha Shacabka dhici doonto gelinka dambe ee isla Maanta, sida uu qorshahu yahay.

Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa kuraasta taalla Jowhar oo ay tirsigoodu kala yihiin HOP024 oo afarii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey C/qaadir Carabow Ibraahim,  HOP140 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Cosoble iyo HOP106 oo ay ku fadhiday Mina Xaaji Shibis, waxaana Cosoble iyo Carabow ay mar kale doonayaan inay soo laabtan.

Hirshabeelle iyo Jubbaland oo kaliya ayaan dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Jubbaland caqabad siyaasadeed ka heysataa deegaan doorashada labaad.

Doorashada saddex kursi oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Jowhar
To Top