WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraasta ku harsan Jubbaland oo lagu soo gaba-gabeynayo Ceelwaaq

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo lagu soo gaba-gabeeyo doorashada kuraasta ugu dambeeysa 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

5 kursi oo ka tirsan 16-ka kursi Golaha Shacabka ayaa doorashadooda ka dhaceysaa Ceelwaaq oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, halkaas oo shalay ka bilaabatay doorashada kuraastaas.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa goobta lagu qabanayo doorashada ka wada diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay ku tartamaan 5-ta kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka dowladda, iyadoona kadib la guda galayo doorashada.

Shalay ayey aheyd markii ay doorashada 16-kursi Golaha Shacabka ka bilaabatay Ceelwaaq, waxaana halkaas lagu doortay 11 Xildhibaan, waxaana Maanta lagu wadaa  in lasoo gaba-gabeeyo doorashada 16-ka kursi ee ku harsan Maamulka Jubbaland.

Doorashada kuraasta ku harsan Jubbaland oo lagu soo gaba-gabeynayo Ceelwaaq
To Top