WARARKA SOOMAALI

Doorashada kuraas hor leh kana Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Kismaayo

Doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Guddiga doorashada ayaa soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta lixda ah ee doorashadood dhaceyso, waxaana uu Guddiga diiwaan-geliyay 12 Musharax oo ay ku jiraan kuwo kale uga tirsanaa Golaha Shacabka.

Kuraasta lagu tartamayo ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin Hop107 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Xaawo Maxamed Aadan, Hop114 oo ku fadhiyey Cabduqaadir Maxamed Cismaan, Hop120 oo afartii sanno ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi oo soo noqday Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya,

Sidoo kale kuraasta la shaaciyay ee doorashadoodu la qabanayo ayaa waxaa ku  jira kursiga Hop111  oo uu ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Maxamed Nuur Iftin Shambara, kursiga Hop028 oo ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, halka kursiga Hop093 oo ku fadhiyey Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ahaa Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta.

Maamulka Jubbaland ayaa u muuqanaya mid dardargelin kuwada howlaha doorashada Golaha Shacbka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, tan iyo waxii ka dambeeyay markii Golaha Wadatashiga Qaranka isku raaceen in doorashadan lagu dhameeyo 40 cisho.

Doorashada kuraas hor leh kana Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Kismaayo
To Top