WARARKA SOOMAALI

Doorashada hal kursi oo ka dhaceysa Magaalada Jowhar iyo Musharaxiinta tartamaya

Doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Hirshabeelle.

Xalay ayaa Guddiga doorashada Hirshabeelle waxaa ay shahaadada Musharaxtimo ee kursiga tirsigiisu yahay HOP106 la siiyay Musharaxiin dhowr ah, kuwaasi oo aysan kamid aheyn Xildhibaanada afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Mina Xasan Shibis.

Musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP106 ayaa waxaa kamid ah Cismaan Maxamed Maxamuud ( Xaadole), Shadoor Xaaji Maxamuud, Fowsiya Sheekh Cali Maxamuud, Bashiir Maxamed Yuusuf, Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Yaxye Abuukar Aadan.

Ammaanka howlka lagu qabanayo doorashada kursiga tirsgiisu yahay HOP106 ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa halkaas, waxaana Hirshabeelle laga sugayaa in soo dhammeeyaan doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada hal kursi oo ka dhaceysa Magaalada Jowhar iyo Musharaxiinta tartamaya
To Top