WARARKA SOOMAALI

Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeeyay Qasa & khasaaraha ka dhashay

Diyaaradaha Dagaalka Israel ayaa Duqeymo culus waxaa ay la beegsadeen qeybo ka mid ah deegaanada marinka Qasa ee dhulka Falastiin.

Ilaa 13 qof oo ay ku jireen 3 Hoggaamiye oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Palestinian Islamic Jihad (PIJ) iyo Xaasaskooda iyo carruurtooda ayaa ku dhintay duqeymahaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Falastiin ayaa waxay sheegtay in dadka lagu dilay Duqeymaha  ay ka mid ahaayeen 4 haween, 4 carruur iyo Dhakhtar Ilkaha (Dentist).

Ilaa 20 qof ayaa iyagana ku dhaawacmay oo ay ku jiraan 3 carruur iyo 7 Haween, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo ay xaalladooda aad u liidato.

Hadal ka soo baxay Guutada Al-Qudus (Saraya Al-Qudus) ee Garabka Milliteri ee Islamic Jihad ayaa lagu shaaciyey in duqeymahaasi lagu dilay 3 ka tirsan Hoggaamiyayaashooda, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey:

1- Jihad Qanaam oo ahaa Xoghayaha Guud ee Guutada  Saraya Quddus,

2- Khaliil al-baxtaani oo ahaa Taliyaha Jihad Jihad ee Waqooyiga Qasa iyo

3- Taariq Cisadiin oo ahaa Taliye Milliteri.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Islamic Jihad ayaa lagu sheegay inaysan waqti dheer qaadan doonin inay aargoostaan.

Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeeyay Qasa & khasaaraha ka dhashay
To Top